13 ku dhimatey weerar lagu qaadey xarunta CID magaalada Muqdishu

Image

MUQDISDHU- Ugu yaraan 13 qof oo Shan kamid ah yihiin shacab ayaa ku dhimatey weerar is-miidaamin ah ee  kooxda Al shabaab maanta ku qaadey xarunta CID magaalada Muqdishu.

Wasiirka amniga amniga gudaha dowlada Federaalka oo la hadlay saxaafada gudaha ayaa sheegey in dhimashada shacabka tahay 5 riix halka dhaawacooda yahay 5 qof.

" Todobo kamid ah kooxda weerarka soo qaadey iyo Askari ka tirsan ciidamada sirdoonka  ayaa weerarkaan ku dhintey halka dhaawaca ciidamada yahay 5" SidAas waxaa saxaafada u a xaqiijiyey Wasiirka amniga dowlada Federalaka ah.

Weerarkaan oo mas'uuliyadiisa sheegatey ururka al shababal ayaa ku bilowdey gaari ismiidaamin ah oo lagu dhuftey Irish hore ee xarunta CID ee ku taal halka la yiraahdo KM4 magaalada Muqdishu.

Afhayeen u hadla Al shabaab Cabdicasiis Abu-Muscab oo la hadlay Idaacada u hadasha ururkaas ayaa sheegey in weerarkaan ku dileen 12 Askari islamarkaana la beegsanayeen sarkiil ka tirsan hay'daas iyo kuwo ajaanib ah ee ku sugnaa xaruntaan.

Weerarka loo gaystey xaruntaan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo asbuuc ah ka dhaca magaalada Muqdishu kuwasoo lala beegsadey xarumaha muhiimka ee ciidamada.

Magaalada Muqdishu ayaa la qorsheynaya in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Somaliya taasoo la qorsheynayo in sanadkaan dabayaqadiisa dhacdo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM