160 ruux oo lagu qabtay howlgal Muqdishu laga sameeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Howlgal xalay magaalada Muqdishu ka fuliyeen ciidamada qalabka sida dowladda Somalia oo kaashanaya AMISOM ayaa lagusoo qab-qabtay hub iyo dad la tuhunsanyahay inay katirsanyihii ururka Al Shabaab.

Ciidamada oo baaritaan ka sameeyay degmada Warta nabadda Ex- Wardhiigley ayaa xabsiga u taxaabay in kabadan 160 ruux kuwaasoo lala xiriirinayo xarakada Al Shabaab iyadoo la sheegay in dadkaasi baaritaan la marsiin doono.

Afhayeenka wasaaradda Amniga dowladda Somalia ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay howlgalkaasi isagoo tilmaamay in dadka lasoo qabtay markii dambe la sii dayay.

Laakiin wuxuu xusay inay iminka gacanta ku hayaan baabuur ay saarnaayeen; hub, tuutaha ciidamada iyo rasaas kaasoo lagasoo qabtay mid kamid ah geerashyada baabuurta lagu sanceeyo ee ku yaalla degmada Warta Nabadda.

“Howl galkan wadajirka ah waxaa sameeyay Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga, Asluubta iyo Ciidamada AMISOM, waxaa uu ka dhacay degmada Warta Nabada, agagaarka xeradii curyaamiinta ee ku dhow Xaafada Xamar Bile, halkaas waxaa lagu soo qabtay 160 ruux, balse waa la sii daayay, markii baaritaano la mariyay, sidoo kale garaash ku dhow halkaas ayaa laga soo qabtay saddex baabuur oo ay saarnaayeen hub, labo qori AK47, tuutaha ciidanka, rasaasta bastoolad iyo xashiishad,”Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo ka dhacay gobolkaasi lagu dilay sarkaal sare oo katirsan mallayshiyaadka Al Shabaab kadib markii dagaal xooggan dhexmaray ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Garas-weyne oo qiyaastii 50km u jirta xarunta gobolka Bakool, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro labada dhinacba ah inkastoo aan laga hayn faah faahin rasmi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM