​18 ruux oo ku dhintay Dagaallo ka dhacay Bakool

Image

XUDUR, Somalia- Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee Somalia ayaa sheegaya in ugu yaraan ay dhinteen 18 ruux halka dhaawaco gaarayo 10 kale kadib dagaallo ba'an oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay halkaasi ka dhacayay.

Iska hor imaadkan ayaa u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Somalia kuwaaso howlgallo kawaday deegaano katirsan gobolkaasi.

Dagaalkii ugu kharaaraa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Moora-gaabey, waxaana taasi keentay in ciidamada dowladda ka geeriyoodaan 8 askari halka mallayshiyada Al Shabaab laga dilayy 10.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay khasaaraha dagaalka isagoo sheegay inay wali socdaan qorshayaala ka dhan ah Al Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in dagaalkaasi lagu jabay kooxdaasi isagoo sheegay in howlgalladu sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka gobolka.

Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa dagalladaasi guulo ka sheegtay waxayna tilmaameen in ciidanka dowladda laga dilay 15 Askari.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM