Jubbaland: Al Shabaab oo weerar ku dishay 22 Askari

Image

KISMAYO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ku weeraray saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Somalia ku leeyihiin deegaanka Buulo Gaduud oo 30KM u jirta magaalada Kismayo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa ku waramaya in abaare Salaadii Subax la maqlay jugta Qarax xoog leh kadibna ay xigtay rasaas tiro badan oo ka dhacaysay hubka noocyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhinteen 22 Askari, dhaawacuna intaas ka badanyahay.

Sarkaalkaas ayaa intaas ku daray inay jiraan baabuur dagaal iyo kuwa xamuul oo lagu qabsaday mudadii uu dagaalku socday.

Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa baraha internet-ka ee taageera ku baahisay inay la wareegeen Saldhigaas iyo guud ahaan deegaanka Buulo Gaduud.

Saraakiisha Ammaanka Jubbaland oo xaqiijiyay in gacantooda ka baxday deegaankaas ayaa xusay in goobtaas ay gaareen ciidamo gurmad ah oo katagay magaalada Kismayo, kuwaasoo markii dambe ku guulaystay in kooxda Al Shabaab dib looga saaro saldhiga.

Xaaladda Buulo Gaduud ayaa wali kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Jubbaland ay ka saareen deegaankaas mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Kooxdan katirsan Al Qacida ayaa xoojisa weeraradeeda xilliyada ciida iyo Soonka, taasoo kor u qaada dhibaatada ay ku hayaan waddanka guud ahaantiis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM