​3 kamid ah ciidamada Kenya oo lagu dilay Gedo

Image

BELED-XAAWO, Somalia- Ciidamada Kenya ayaa weerar ku qaadey saldhigyo Al Shabaab ku leeyihiin Deegaanka Nus-dariiq, oo ku yalla inta u dhaxaysa degmooyinka Beled-xaawo iyo Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Cusmaan Nuux Xaaji, ku xigeenka Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa u xaiijiyay Warsidaha GO in 3 Askari oo kamid ah ciidamada Kenya lagu dilay dagaal saacado qaatey oo ka dhacay deegaanka Nus-dariiq.

Ciidamada Kenya oo weerar Cirka iyo dhulka ah kasoo qaadey deegaanka Dhamase, oo ku yaalla xadka Somalia iyo Kenya ayaa waxay iska-caabin xoogan kala kulmeen Kooxda Al shabaab ee ku sugan Nus-dariiq.

Cusmaan Nuux Xaaji, ayaa sidoo kale u sheegay  GO in weerarka uu ku billowday duqeynka cirka ah, taasi oo khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay dagaalyahano katirsan Al shabaab.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in Al shabaab lix xubnood loogu dilay dagaalka.

Saraakiisha militariga Kenya iyo Al shabaab kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha uu geestay.

Weerarka ciidamada Kenya ku qaadeen maanta deegaanka Nus-dariiq, oo 90KM u jira Beled-xaawo ayaa kuso beegmaya  xilli ay dowladda Mareykanka uga digtay Muwaadiniinteeda inay u safraan magaalooyinka ku yaallo xadka Somalia iyo Kenya, cabsi laga qabo weeraro uga yimaado Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM