​3 kamid ah ciidamada Kenya oo lagu dilay Gedo

Image

BELED-XAAWO, Somalia- Ciidamada Kenya ayaa weerar ku qaadey saldhigyo Al Shabaab ku leeyihiin Deegaanka Nus-dariiq, oo ku yalla inta u dhaxaysa degmooyinka Beled-xaawo iyo Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Cusmaan Nuux Xaaji, ku xigeenka Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa u xaiijiyay Warsidaha GO in 3 Askari oo kamid ah ciidamada Kenya lagu dilay dagaal saacado qaatey oo ka dhacay deegaanka Nus-dariiq.

Ciidamada Kenya oo weerar Cirka iyo dhulka ah kasoo qaadey deegaanka Dhamase, oo ku yaalla xadka Somalia iyo Kenya ayaa waxay iska-caabin xoogan kala kulmeen Kooxda Al shabaab ee ku sugan Nus-dariiq.

Cusmaan Nuux Xaaji, ayaa sidoo kale u sheegay  GO in weerarka uu ku billowday duqeynka cirka ah, taasi oo khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay dagaalyahano katirsan Al shabaab.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in Al shabaab lix xubnood loogu dilay dagaalka.

Saraakiisha militariga Kenya iyo Al shabaab kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha uu geestay.

Weerarka ciidamada Kenya ku qaadeen maanta deegaanka Nus-dariiq, oo 90KM u jira Beled-xaawo ayaa kuso beegmaya  xilli ay dowladda Mareykanka uga digtay Muwaadiniinteeda inay u safraan magaalooyinka ku yaallo xadka Somalia iyo Kenya, cabsi laga qabo weeraro uga yimaado Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM