​4 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Baladxaawo

Image

Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay dhinteen 4 ruux islamarkaana dhaawacmeen in kabadan 10 kale kadib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo daacad u ah wasiirka amniga Jubbaland iyo mallayshiyo beeleed hubaysan.

Dadk dhintay ayaa dhammaantood ka tirsanaa dhinacyada dagaallamay.

Dagaalkan ayaa ka dhashay isbadal Jubbaland ku samaynayo maamulka degmadaasi, waxaana la sheegay inay arrintaasi ka biyo diideen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda magaalada ayaa maanta kacsanayd, waxaana taasi keentay inuu hakad galo ganacsiga magaalada iyo isu socodka bulshada.

Iska hor imaadka labada dhinac waxaa ku waxyeelloobay qaar kamid ah shacabka magaalada.

Majirto wax xal ah oo laga gaaray xiisadda Baladxaawo waxaana dagaalkan uu dhacay maalin kadib markii qarax lala eegtay ciidamo halkaasi ku sugnaa.

Maamulka Jubbaland ayaa waday qorshayaal uu maamul cusub ugu samaynayo degmooyinka gobolka Gedo, mana aha markii ugu horraysay oo gobolkaasi khilaaf maamul ka dhasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM