​4 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Baladxaawo

Image

Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay dhinteen 4 ruux islamarkaana dhaawacmeen in kabadan 10 kale kadib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo daacad u ah wasiirka amniga Jubbaland iyo mallayshiyo beeleed hubaysan.

Dadk dhintay ayaa dhammaantood ka tirsanaa dhinacyada dagaallamay.

Dagaalkan ayaa ka dhashay isbadal Jubbaland ku samaynayo maamulka degmadaasi, waxaana la sheegay inay arrintaasi ka biyo diideen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda magaalada ayaa maanta kacsanayd, waxaana taasi keentay inuu hakad galo ganacsiga magaalada iyo isu socodka bulshada.

Iska hor imaadka labada dhinac waxaa ku waxyeelloobay qaar kamid ah shacabka magaalada.

Majirto wax xal ah oo laga gaaray xiisadda Baladxaawo waxaana dagaalkan uu dhacay maalin kadib markii qarax lala eegtay ciidamo halkaasi ku sugnaa.

Maamulka Jubbaland ayaa waday qorshayaal uu maamul cusub ugu samaynayo degmooyinka gobolka Gedo, mana aha markii ugu horraysay oo gobolkaasi khilaaf maamul ka dhasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM