​5 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Juungal, gobolka Gedo

Image

BAARDHEERE, Somalia- Saddex katirsanaa malleeshiyada Al shabaab ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada dowladda Somalia ku qaadeen deegaan ay maamuli jireen oo ku yaallo duleedka degamada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Juungal, oo ku dhaw magaalada Baardheere, waxaana dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidanka dowladda sababay khasaaro kala duwan.

Sarkaal ciidan oo ku sugan Baardheere, ayaa Garowe Online u sheegay in dagaalka lagu dilay 3 dagaalyahan oo kamid ahaa Al shabaab iyo labo askari oo katirsanaa militariga dowladda Soomaaliya.

Dagaal dhiig ku daatay kadib, ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Juungaal, oo la sheegay in Al shabaab kasoo qaadi jireen weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baardheere.

Al Shabaab kama aysan hadlin weerarka lagu qaadey saldhigeeda iyo maleeshiyaadka laga dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM