​51 qof oo Shuban-biyood ugu geeriyooday Shabeellaha dhexe

Image

MAHADAAY, Somalia- Wararka laga helayo deegaano katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa  sheegaya in deegaano ku dhow degmadaasi uu ka dilaacay cudurka Shuban-biyoodka.

Ilaa hadda waxaa geeriyooday 51 ruux oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn.

Mid kamid ah tuulooyinka hoos yimaada Mahaadaay, waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 21 qof.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay, Axmed Xuseen Afrax, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay dhimashada dadka cudurku soo ritay, wuxuuna intaas ku daray inay wadaan qorshe lagula tacaalayaa dadka xanuunka u jiifa.

Afrax, ayaa xusay inaysan jirin cid ilaa hadda kaalmo soo gaarsiisay dadka deeganaadaasi ku sugan, isagoo xusay inay u diyaariyeen goobo caafimaad, halka dadka qaybtood la geeyay cusbitalka gobolka iyo kan degmada Mahadaay.

Ka maamul ahaan, ayuu tilmaamay inay la tacaalayaa sidii xanuunkan looga hortagi lahaa inuu ku faafo goobaha kale ee fayoow.

Lama ogo, waxay sababay xanuunkan, balse waxaa loo badinayaa caafimaad darro ka dhalatay biyo dadku cabeen.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli qaybo badan oo dalka Somalia, kamid ah ka jirto abaar baahsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM