​7 Askari oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax Labaad ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacay nawaaxiga magaalada Muqdishu, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay dhimashada 7 Askari iyo dhaawaca tiro kale oo intaas ka badan kuwaasoo waxyeello kasoo gaartay miino dhulka lagu aasay.

Xalane, ayaa xusay in miinada la dhigay goob inta badan fariistaan ciidanka dowladda  oo ku yaalla Ex-koontarool Afgooye, halkaasi oo lacago canshuur ah looga qaado gaadiidka.

Dad kale oo gaaraya ilaa 10 qof oo shacab ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Saakay ayay ahayd markii gaari miinaysan uu ku qarxay afaafka Maxaaqida the Village, oo kasoo horjeedo Tiyaatarka Qaranka, oo 400 Mitir u jirto Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana ku dhintay labo qof.

Waa qaraxii labaad, oo mud hal maalin ka dhaco Muqdishu, oo amnigeeda maalmihii dambe aad usii xumaanayay, xilli ay kusoo qulqulayaan Xildhibaanada cusub, doorashada guudna loo diyaargaroobayo.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxyada magaalada Xamar ka dhacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM