​8 qof oo ku dhintay Rasaas ay rideen ciidanka dowladda Somalia

Image

CEELSHA BIYAHA, Somalia-  Askar katirsan ciidanka dowladda Federaalka Somalia, ayaa saaka dad shacab ah ku dilay Jaamacadda Shabelle, oo ku dhaw deegaanka Ceelasha Biyaha, ee duleedka magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in ugu yaraan 8 qof oo shacab ah ay ku dhinteen tacshiirad ay fureen ciidamo katirsan kuwa militeriga dowladda.

Rasaas ayaa lagu riday gaari nooca raaxada ah, oo la socday Kolonyo galbinysay Janaasada Meyd loo waday qabuuro ku yaalla Ceelasha Biyaha.

Dadka ku dhintey rasaasta waxaa ka jira saddex dhalinyaro, oo isla dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdicasiis Xaaji Gaabow, Cabdijibaar Xaaji Gaabow iyo Maxamed Deeq Xaaji Gaabow.

Sidoo kale nin abti u ahaa saddexda wiil oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yare ayaa ku dhintay falkan. Gaariga ay wateen ayaa ahaa Noah.

Haweenay taagnayd wadada dhinaceeda ayaa sidoo kale haleeshay rasaasta, oo isla goobt ku dhimatay.

Lama oga sababta ay Ciidamada Rasaasta ugu fureen Gaarigaas.

Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo maamulka Deegaanaka Ceelasha Biyaha wali kama aysan hadlin falkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM