​9 Caruur ah oo shuban-biyood ugu geeriyooday degmada Jalalaqsi

Image

JALALAQSI, Somalia- Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in caaruur gaaraysa 9 ilmood, ay 48-dii saac ee lasoo dhaafay cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyoodeen degmadaasi.

Gudoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, ayaa sheegay in 50 Kale oo carruur da'doodu ka yartahay 5 sano ay la ildaran yihiin xanuunka, kuwaasi oo hadda lagu dawaynayo Isbitaalka degmada.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in degmadiisa aysan haysan Dawooyin ku filan, oo wax looga qabto xaaladaha shuban biyoodka ee soo ritay carruurta ku nool degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 23 qof ayaa Shubanka ugu dhimatay degmadaasi Maalmihii ugu dambeeyay, waxaana uu intaasi ku daray inay sii kordhayso Kiisaska dadka uu soo ridayo xanuunka.

Shuban Biyoodka ayaa faro ba'an ku hayo caruurta ku nool Koonfurta Somalia, kaasi oo loo sababeeyay Xilliga oo Kuleylo ah iyo Biyo Nadiif ah oo dadka aan haysan, kadib markii Webiga biyo yareeyay.

In ka badan 51 ruux oo isagu jiro Carruur iyo dad waaweyn ayaa ugu geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hay'adaha Samafalka ayaa intooda badan isaga baxay dalka, markii Al shabaab ay qabsatay goobihii ay ka howlgalayeen, waxaana taasi keentay in Isbitaaladii ay gacanta ku hayeen shaqada joojiyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM