​9 murashax oo ajiibay dood toos ahayd

Image

MUQDISHU, Somalia- Sida qorshuhu ahaa waxaa maanta Muqdishu ka qabsoontay dood furan oo murashaxiinta lagu weydiinayay wax-qabadkooda ku saabsan hadii ay kusoo baxaan loollanka xilka Madaxweynaha Somalia.

Dooddan oo warbaahinta si toos ah looga daawanayay ayaa waxaa soo xaadiray 9 murashax oo kaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya baaqashada xubnihii kale ee la filayay inay yimaadaan iyadoo loo aanaynayo miisaankii markii hore lahayd doodda oo luntay kadib markii ay u qabsoomi weyday sidii lagu ballamay todobaadkii hore.

Waxaa sidoo kale baaqashadeed loo aaneeyay loollanka murashaxiintu ugu jiraan xilka Madaxweynaha Somalia maadaama hal maalin ay ka hartay.

Inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah baaqashada murashaxiinta uga hadashay hadana dadka lasocda arrimaha Somalia ayaa sheegaya in Barnaamijkan lagu soo beegay waqti daal uu jiro islamarkaana lagasoo baxay saddex maalmood oo khudbado laga horjeedinayay golaha Barlamanka Somalia.

Doodda oo loo qaybiyay labo dufcadood, waxaana wajigii koowaad soo xaadiray Axmed Maxamed Cabdi, Sakariye Xaaji Maxamuud  Cabdi  iyo Bashiir Raage Shiiraar. Halka doodda labaad isku arkeen murashaxiinta kala ah; Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ‘ Maxamuud Maxamuud Culusow ,Xaaji Maxamed Yaasiin iyo Maxamed Axmed Jabarti.

Murashax kasta 2 daqiiqo ayuu haystay inuu kaga jawaabo su'aasha lasiiyo, waxayna inta badan diiradda ku saarayeen inay is-badal keeni doonaan hadii la doorto.

08 Febreuay ayaa la isugu imaan doonaa goob la diyaariyay oo ku taalla xarunta ciidanka xoogga dalka Somalia ee Afesiyoone iyadoo isha lagau hayn doono murashaxa guulaysta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM