​9 murashax oo ajiibay dood toos ahayd

Image

MUQDISHU, Somalia- Sida qorshuhu ahaa waxaa maanta Muqdishu ka qabsoontay dood furan oo murashaxiinta lagu weydiinayay wax-qabadkooda ku saabsan hadii ay kusoo baxaan loollanka xilka Madaxweynaha Somalia.

Dooddan oo warbaahinta si toos ah looga daawanayay ayaa waxaa soo xaadiray 9 murashax oo kaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya baaqashada xubnihii kale ee la filayay inay yimaadaan iyadoo loo aanaynayo miisaankii markii hore lahayd doodda oo luntay kadib markii ay u qabsoomi weyday sidii lagu ballamay todobaadkii hore.

Waxaa sidoo kale baaqashadeed loo aaneeyay loollanka murashaxiintu ugu jiraan xilka Madaxweynaha Somalia maadaama hal maalin ay ka hartay.

Inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah baaqashada murashaxiinta uga hadashay hadana dadka lasocda arrimaha Somalia ayaa sheegaya in Barnaamijkan lagu soo beegay waqti daal uu jiro islamarkaana lagasoo baxay saddex maalmood oo khudbado laga horjeedinayay golaha Barlamanka Somalia.

Doodda oo loo qaybiyay labo dufcadood, waxaana wajigii koowaad soo xaadiray Axmed Maxamed Cabdi, Sakariye Xaaji Maxamuud  Cabdi  iyo Bashiir Raage Shiiraar. Halka doodda labaad isku arkeen murashaxiinta kala ah; Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ‘ Maxamuud Maxamuud Culusow ,Xaaji Maxamed Yaasiin iyo Maxamed Axmed Jabarti.

Murashax kasta 2 daqiiqo ayuu haystay inuu kaga jawaabo su'aasha lasiiyo, waxayna inta badan diiradda ku saarayeen inay is-badal keeni doonaan hadii la doorto.

08 Febreuay ayaa la isugu imaan doonaa goob la diyaariyay oo ku taalla xarunta ciidanka xoogga dalka Somalia ee Afesiyoone iyadoo isha lagau hayn doono murashaxa guulaysta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM