Axmed Madoobe oo dhaliilay hanaanka dib u eegista Dastuurka

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa si kooban uga hadlay markii ugu horeysay khilaafka labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka shir afar casho soconaya oo looga hadlay dib u eegiska dastuurka ayuu bogaadiyay horumarka illaa iyo haatan la sameeyay.

Balse Axmed Madoobe ayaa dhaliilay qaabka loo wado dib u eegiska dastuurka, gaar ahaan in lagu saleeyo nidaamka qabiilka ee 4.5.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa soo jeediyay in dastuurka uu noqdo mid aysan saameyn ku lahayn diyaarintiisa gacmo shisheeye.

"Waxaan maqlayay in shirkaan ay soo qaban-qaabisay hay'ad caalami ah … mar dambe yaa nan noola keenin [sidaan oo kale]," ayuu raaciyay.

Wakiilo ka kala socda maamulada iyo dowlada dhexe ayaa shirka ka qaybgalaya, iyada oo diirada lagu saarayo cutubyo la doonayo in wax laga bedalo.

"Afar qof oo aqoonteeda leh baa ka shaqeyn karta … aan ka gudubno qabiilka," ayuu raaciyay Madaxwayne Axmed Madoobe.

Khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira wadanka badankooda waa kuwa salka ku haya dastuurka, gaar ahaan awoodaha Golayaasha Sharcidejinta iyo dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Axmed Islaan oo si gaar ah u soo qaaday arrinta xasarada ka dhex-aloolsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa tilmaamay in ay tahay mid xalkeeda laga dhex-heli karo dastuurka hadii la saxo qodobada xeerinaya shaqooyinkooda.

Labada Gole ayaa isku haya arrimo ku saabsan; meel-marinta miisaaniyada, ka qaybgalka shirarka caalamka iyo metalaadda danaha maamul goboleedyada oo dastuurka dhigayo in Aqalka Sare uu leeyahay.

Ugu dambeyntii, hogaamiyaha maamulka Kismaayo ayaa soo jeediyay in Dastuurka lagu kala cadeeyo awoodaha maamulada iyo dowlada dhexe si loo helo xasilooni siyaasadeed shacabkana loogu adeego.

"Hadii aan dastuurka wax kasta lagu kala caddeyn oo aan la sameyn wax lagu kala hagbo, wiilkaasi ay hooyadii xanuunka ka bixi la'adahay baanu noqoneynaa," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM