A. Madoobe oo la kulmay Fahad iyo Khayre [Shuruudo uu hordhigay]

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online, waxaa xalay magaaladda Kismaayo shir gaar ah ku yeeshay Fahad Yaasiin, Khayre iyo Axmed Madoobe.

Ugu horeyn, Madaxa sirdoonka Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Jubbaland ayaa kulan saacado badan qaatay uu dhexmaray.

Illo ku dhow labada dhinac ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul wasaaraha dalka uu dib kaga soo biiray wadahadalka.

GO ayaa fahansan shirkaasi diirada lagu saarey qodobo qaarkood la isku raacay halka kuwa kale wadaxaajoodyo kale oo dheeraad ah loo baahday.

Axmed Madoobe ayaa shirka la yimid shuruudo ay ugu horeyso in gabi ahaanba dowladda aysan faragelin doorashada madaxtinimada maamulkaasi.

Wara xog ogaal ah ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku adkeystay in uusan marnaba ka tanaasuleen damaciisa ku aadan uu difaacdo kursigiisa.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa miiska soo saaray dalab ah in isku shaadheyn lagu sameeyo wasiirada federaalka, si uu soo xusho xubnaha Jubbaland metalaya.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in Madaxwayne Axmed Madoobe uu kusoo qaaday Fahad iyo Khayre arrimo ku saabsan maamul goboleedka Galmudug.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa cod-saday in dowladda gacma-gacmeynta ka dayso maamulka Xaaf, isla markaana u madax banaaneyso arrimihiisa gudaha.

Qodobada kale ee shirkii xalay lagu soo qaaday ayaa waxaa qayb ka ahaa shirwaynaha la filayo in uu dhamaadka bishaan ka qabsoomo magaaladda Garowe, caasimada Puntland.

Ajandaha kulankaasi iyo qaabka uu noqonayo ayay madaxdu isla lafagurtay, maadaama qaar kamid ah maamul goboleedyada ay xiriir dhow la leeyihiin Villa Soomaaliya, marka laga reebo Puntland.

Dhinacyada ayaa "isku raacay" dhamaan qodobadaasi, marka laga reebo in la isku fahmi waayay qaabka ay noqoneyso doorashada guud ee ka qabsoomeysa dalka, taasoo la rajeyayo in ay noqoto qof iyo cod.

Madaxda haatan talada haysa ee dowlada dhexe ayaa doonaysa in ay dib u soo laabtaan, iyaga oo sameysanaya xisbi siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin.

Wadahadalkii xalay oo la rajeynayo in ay ka dambeeyaan kuwa kale ayaa waxaa ka horeeyay shirar gaar-gaar ah oo magaalada Nairobi kusoo dhex-maray Fahad Yaasiin iyo Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM