Aas wadar ah oo loo sameeyay da'yartii lagu laayey qaraxii Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qabuuraha isbitaalka xogga ee magaalada Muqdisho waxaa Sabtida maanta ah si wadar ah loogu aasay dhalinyaradii ku dhimatay is-miidaamintii Gelato Divino ee caasimada dalka Soomaaliya.

Xubno kamid ah ehelkooda, mas'uuliyiin, iyo dadweyne ay asxaabtooda kamid yihiin ayaa waxay ka qeybgaleen duugta marxuumiinta.

Sideeda dhalinyaro ee ku naf-weyday weerarkan ay Al-Shabaab sheegatay waxaa ku jiray Bishaar Cabduqaadir Cilmi [Suufi Yarre] kaasoo Hay'adda Socdaalka Soomaaliya u qaabilsanaa Safaaradeena Addis Ababa.

Bishaar ayaa galabnimadii Jimcada kusoo laabtey waddanka, sidda uu Garowe Online u sheegay saaxiibkii ay ku balansanaa in ay kulmaan.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda weerarka, waxayna sheegeen in ay beegsadeen saraakiil dowladeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarka, balse sooma hadal-qaadin hadii ay ka shaqeyneyso baaritaan lagu sameeyay dhacdan.

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kamid ah madaxda dhaleeceysay weerarka, balse madaxweyne Farmaajo wali kama hadlin.

"Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro!," ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Mudanaha oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku daray: "Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay ilaa hada Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin. Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwanyihiin".

"Dadkaan Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna ee hurdada halaga kaco si hambada hartay loo badbaadiyo," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa u muuqata mid weerarada kusoo koobtey is-miidaamin iyo miinooyin maadaama la xiray jidadkii taasoo is hortaagtay qaraxyadda baabuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM