Abaabul dagaal oo ka socda gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Wararka laga halayo gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamadda xooga dalka Soomaaliya iyo AMISOM ay ka wadaan abaabul-dagaal, oo ka dhan Kooxda Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyada Milateri ayaa laga dareemay degaano hoos-yimaada magaaladda Baraawe, oo maalmo kahor Al-Shabaab ay madaafiic ku weerartay, taasoo lala bartilmaameedsaday Markab sahay raashiin iyo ciidan u wadey Ciidamada DFS iyo AMISOM.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in gulufka ay wadaan uu u jeedkeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ku dhaw Baraawe, ee ay kasoo baabusho weerarada.

“Weerarkii Markabka taagnaa Dekada wuxuu natusayaa in khatart ay Al-Shabaab ku tagay amniga magaalada, waxaana hadda wadnaa howlgalo aan ku dooneyno inaan kooxdan uga sifeyno degaanada ay ku sugan tahay,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Dekedda Baraawe oo aan hadda howlgab ah, ayaa waxaa ku xirta oo waliya Maraakiib gaar ah iyo doomo sahay hub iyo raashiin ah u wada Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhanka dhulka ah aan waxba loo marin karin, sababtoo ah go'doominta Al-Shabaab.

Magaaladan ayaa waxay caasimad rasmi ah u tahay Maamulka Koonfur Galbeed, balse kuma shaqeeyo sababo amni, maadaama ay Al-Shabaab ku sugan tahay degaanada ku hareeraysan, oo xitaa suurta-gal tahay inay la wareegto.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku soo qaada fariisimaha Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka, xili weerardaasi ay geystaan khasaarooyin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM