Abiy Axmed iyo Afwerki oo kusoo wajahan Muqdisho [Ujeedka oo la ogaadey]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wufuud culus oo ka socota dalalka deriska, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho, xilli Farmaajo uu wajahayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaadey, oo 92 Xildlhibaan saxiixeen.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Villa Somalia ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki uu la xiriiro ka qeybgalka shirka 3-aad ee Isbaheysiga saddex geesoodka, oo ku midoobey Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Amaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu daadiyay wadooyinka ciidamo dheeraad ah, oo Isgoysyada ku baaraya gaadiidka raaxadda, waxaana suurta-gal ah in la xiro jidada, maadaama ay madax heerkoodu sareeyo ay imaanayaan.

Farmaajo, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki oo xiriirkooda sameysmay wixii ka dambeeyay July 2018 ayaa waxa shirkoodii kan ka horeeyay ku yeesheen Bahar-Dar, Itoobiya, kaasoo lagu go'aamiyay in kulanka xiga Muqdisho lagu qabto December.

Shirkan saddex xagalka ah, ayaa kusoo beegmaya iyadoo Farmaajo uu ka yaallo Gollaha Shacabka Mooshin xilka-qaadis ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu heshiisyo qarsoodi ah la galay Itoobiya iyo Eritrea iyo ku xad-gudubka awooda Madaxweynaha.

Villa Somalia ayaanan Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed usoo bandhigin heshiisyadda uu Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki la galay, kuwaasoo warbaahinta ku sheegtay iskaashi dhaqaale iyo is-dhex-gal ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM