Abiy Axmed oo jeediyay hadal halis ku ah jiritaanka Soomaaliya

Image
Image
Image

WADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa mar kale wuxuu jeediyay khudbad dood culus dhalin karta oo ku saabsan isbedaladda Geeska Afrika, oo ku socda waqti xaadirkaan si xowli ah.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad xarig jarka Trbebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Baahir Dar waxa uu ka dhawaajiyay Abiy in dalalka Geeska Afrika ay usocdaan inay yeeshaan mustaqbalka hal Madaxwayne.

Madaxwaynah dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea Isaisas Afwerk ayaa qayb ka ahaa madaxdii xafladda xaadirka ku ahayd, xili ay dhamaantooda bogaadiyeen isbedalka Geeska Afrika.

“Maanta Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya waxa uu shaaca ka qaadey in Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya aysan sii ahaan doonan sadadex Madaxweyne mustaqbalka,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Wakaaladda Wararka Eritrea.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili muddo billo ah kahor Abiy Axmed yimid Muqdisho booqasho ku yimid ka sheegay in dalkiisa iyo Soomaaliya la mideyn doono.

Oraahdaasi oo aysan wali ka hadlin Madaxtooyadda Soomaaliya ama Madaxwayne Farmaajo toona waxaa si adag uga fal-celiyay shacabka Soomaalida oo cabsi ka qaba madax-banaanida dalkooda Mustaqablka madaama Dowlada jirita awood ciidan iyo mid siyaasadeed laheyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM