Abuu Cubeyda oo sheegay inuu nool-yahay Amiirka Al-Qaacida
MOGADISHU, Soomaaliya - Iyadda oo la cuskanaya codkii ugu dambeeyay ee uu soo duubay Amiirka Al-Shabaab ee Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri wuu nool yahay. Labadan horjooge ayaa ah xulafo isku-tiirsan.
Abuu Cubeyda ayaa cod uu soo mariyey warbaahinta maleyshiyadda taabacsan wuxuu ku sheegay in Ayman Al-Zawahiri uu nool yahay, wallow ay jiraan warar sheegaya in uu October, 2020 u dhintey xanuun.
Hogaamiyaha AlShabaab ayaa la maqlay isaga oo ammaanaga Ayman Al-Zawahiri, wuxuuna wacad ku maray in kooxdiisa ay sii waddeyso dagaalka ay kawado bariga Afrika wuxuuna xusay in ay caalamka kusii balaarin doonan.
Mareykanka ayuu ku sifeeyay "cadowga ugu weyn" ee Al-Qaacida, isaga oo tibaaxay "annaga oo uu na wehliyo hogaamiyaheena [Ayman Al-Zawahiri], waa in aan xaqiijino in la jebiyey".
Ma cadda goorta la duubay codka hogaamiyaha Al-Shabaab oo lagu waramay in uu xanuunsanayo, balse waxaa uu kusoo bandhigay magacyadda dagaalameeyaashii fuliyey weeradkii Manda Bay ee dhacay sanad kahor.
Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalameysa tan iyo 2008-dii isla markaana laysay rayid iyo ciidamo ayaa 2012 la midowdey Al-Qaacida oo aas-aasaheeda Osama bin Laden uu Mareykanka duqeyn ku dilay.
Weerarkii Manda Airfield ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Kenya waxaana kooxda weerarka soo qaaday ay dileen seddex muwaadin oo Ameerikaan ah.
Tan iyo waqtigaas, xulafada Mareykanka ee Bariga Afrika waxay xoojiyeen howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ah saaxiibka ugu weyn ee Al-Qaida ee gobolka Bariga Afrika.
Ragga Weerarka ku qaaday Manda Airfield ee uu Abuu Cubeyda cadeeyay waxaa kamid ah Moulana Faaruuq Moulana, Ahmed Al-Muhajir, Taliyaha (Yemen), Abubakar Al-Muhajir (Tanzania), Ali Muhammad Ali, Qudama Al-Muhajir (Ethiopia), iyo Abdulwali Muhammad Ibrahim “Moallim Omar” iyo Adam Iman Yusuf, Abdulkareem oo labaduba Soomaali ah.
Al-Shabaab iyo Al-Qaacida labaduba waxay la halgamayeen bilihii la soo dhaafay khilaafaadyo dhexdooda ag iyo hoos u dhaca maaliyadooda oo ah sababta ugu weyn ee is-qabqabsigaas. Sidoo kale, dagaalameyaal ayay ku waayeen howlgalada ciidamadda.
GAROWE ONLINE