Adeega Internet oo ka go'an Muqdishu iyo gobolo ka tirsan Koonfurta Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia-  Adeega Internet-ka oo muddo Labo maalmood ah ka go'naa magalada Muqdishu ayaa saameyn xoog leh  ku yeeshey ganacsiga iyo arimaha kale ee bulshada u adeegsato isticmaalka aaladaan iyadoo magaalo Muqdishu noqotey halka uga daran uu saameynta ku yeeshey .

Adeega Internet oo magalaada Muqdishu iyo qaybo ka tirsan Koonfurta Somalia u soo mari jirey  Isgaarsiinta loo isticmaalo fiber-optic ee badda hoosteeda soo marta ayaa wararku waxaa ay sheegayaan Inuu jiirey Markab.

Shirkada Hurmuud oo iyadu adeegaan bixisa ayaa sheegtey iney ku mashquulsan tahay sidii dib loogu hagaajin lahaa iyadoo Markabkii shaqada ka qaban lahaa uu ku sii socdo goobtaas.

Internet go'ay ayaa saameyn ku yeeshey dhamaan adeegyadii xawiladaha iyo Warbaahinta halka dhinaca kale uu ku soo beegmay munaasabadii ciidul Fitr-ga.

Dalka Somalia ayaa kamid ah dalalka Africa ugu horeeya isticmaalka Isgaarsiinta Internet-ka iyadoo dadka Somalida aad ugala socdaan arimaha dalkooda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ka cududaaranaya dib u dhaca ku imaan Kara wararka ka jira Koonfurta Somalia gaar ahaan magalaada Muqdishu 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM