Afar murashax oo ku tartamaya doorashada Madaxweynaha Jubaland

Image

August 13, 2015 (GO)- Afar murashax ayaa ku tartami doona doorashada madaxweynaha Jubaland oo lagu wado in ay magaalada Kismaayo ka dhacdo maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay August 15, 2015.

Afarta murashax oo sida guddiga doorashadu sheegeen soo buuxiyey dhammaan shuruudihii lagu xiray murashaxiinta, waxay magacyadoodu kala yihiin:

  1. Axmed Maxamed Islaam (Axned Mdoobe).
  2. Hilowle Aadan Maxamed.
  3. Maxamed Cismaan Yuusuf.
  4. Cusmaan Xuseen Xaaji (Feyruus).

Qaabka doorashadu u dhacayso waa qarsoodi, waxaana madaxweynaha cusub dooran doona baarlammaanka dhowaanta lasoo xulay ee Jubaland, kuwaas oo tiradoodu tahay 75 xildhibaan.

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee Axmed Madoobe ayaa loo badinayaa inuu doorashada ku guuleysan doono.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana socda diyaar garow xooggan oo ku aadan doorashada.

Garowe Online ayaa si toos ah idiinku soo gudbin doonta wararka ku saabsan doorshada...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM