HirShabelle oo afar jirsatay: Maxaa u qabsoomay, maxaase lagu fashilmay?

Image

JOWHAR, HirShabelle – HirShabelle, maamulka ugu da'da yar dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, ayaa ku afar-sano jirsaday guuldarooyin siyaasadeed, mid amni, wax is-dabamarin iyo dilalka mas'uuliyiin.

Kadib sagaal bilood oo geedi u socod uu hareeyay buuq iyo cabashooyin qaar aan la xalin, dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo olole doorasho ku jirtay ayaa bishii October, 2016-kii waxay dhidibada u taagtay HirShabelle.

Baarlamaankii koowaad ayaa la dhaariyey 9-kii Ocober, 2016. Guddoonka waxaa la doortey 13-kii October, 2019. Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa 17-kii October, 2016 waxaa loo doortey madaxweynihii koowaad ee maamulkan.

Ka gedaal markii ay is-maan-dhaafeen dowlada haatan waqtiga kasii dhacayo, Cosoble ayaa lagu riday mooshin dood dhaliyay. Maalmo kadib waxaa hogaamiyaha maamulkan loo caleema saarey Maxamed Cabdi Waare.

Afar sano oo kaamil ah ayaa kasoo wareegatay dhismaha maamulkan iyaddoo degaanada hoostaga aysan ka muuqan horumar la taaban karo si gaar ah dhismaha hay'addaha dowliga muuqaal ahaan iyo wax-qabad ahaan.

Hay'addaha dowliga sidda Madaxtooyadda, Wasaaradaha iyo baarlamaanka ayaa u jiray magac ahaan mana ku lahayn caasimada Jowhar wax fadhi ah.

Ammaanka ayaa faraha ka baxay, waxaana la xaqiijiyey in tiro ka badan 10 Xildhibaan, wasiiro, gudoomiyeyaal, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah ay dileen kooxaha argagixisada ah mudada afartii sano ee aynu kasoo gudubnay.

Afhayeenka Golaha Wakiilada HirShabelle, Sheekh Cusmaan Barre oo u waramay KNN, ayaa ku fashilmay in uu soo bandhigo wax-qabad muuqda oo ay soo kordhiyeen, isagoo ku dooday in aysan jirin maamul ka horeeyay.

Amniga, dib u heshiisiinta iyo xorreynta degaano ay haysteen maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab ayuu ku tilmaamay guulihii ay gaareen. Balse, iska daa in ay amni sugaan, waxaa xirmay wadadii Jowhar iyo Muqdisho.

Dadka qaar ayaa rumeysan in fashilka uu maamulka dhex-dabaalanayey sanadihii lasoo dhaafay ay sabab u tahay in la boobsiiyey dhismihiisa iyaddoo madaxdii waqtigaas jirtay ay ka dhex-eeganayeen fursada Xildhibaanadda.

"Bini'aadamka oo la raali-geliyo waa yool aan la gaari karin, cid walba cid kale ayay ku eedeyneysaa sad-bursi laakiin HirShabelle markii la dhisaayey buuq ayaa jira marka buuqa beelaha ma dhamaanayo maamul walba oo la dhisayo waa la arkayaa cid buuqaysa reer Hiiraan waxay leeyihiin Xildhibaanada ugu badan, gudoonka oo dhana waa reer Hiiraan marka aniga dhibaato gaar ah oo lagu sameeyay iima muuqato," ayuu ku adkeystay Mr Cismaan oo ugu baaqay cid walba oo cawaneysa in ay Jowhar u yimaadaan wadahadal.

Horaantii sanadkan 2020, gudoomiye Cismaan oo warqad u qoray Beesha Caalamka wuxuu ku sheegay in maamulku hareeyay musuqmaasuq, deeqda dibada ay ku dhacdo jeebab gaar oo aan loogu adeegin dadka.

Daa'uud Xaaji Ciro, afhayeenka maamulka HirShabelle oo qiray in ay ku fashilmeen sugida amniga, la dirirka Al-Shabaab iyo jiro musuqmaasuq, ayaa wariyey in dhismaha xarumaha muhiimka ah argagixisada is-hortaagtey.

Gudoomiye Cismaan oo beeniyey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay joojiyeen dhismaha Madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo fadhiga Wasaarada Maaliyada ayaa la xiriiriyey is-qabqabsi dhulka iyo shirkada dhiseysa.

Fursada haatan reer HirShabelle hortaala ayaa ah in ay ka baaraan-degaan dhismaha maamulkooda cusub iyo in ku mayal-adeegaan in aan loo dedejin iyaddoo madaxda dowlada federaalka ay ka goobayaan damac siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM