Afey "Waa in la dhisaa maamulka Hiiran iyo Shabeellaha dhexe"

Image

MUQDISHU, Somalia- Urur goboleedka IGAD oo horay dowladda Somalia ugu xilsaartay dhismaha maamul ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, balse hirgalin weyday  ayaa ku baaqday in loo istaago sidii maamulkaasi looga qayb galin lahaa doorashada dadban ee ka dhacaysa waddanka dabayaaqada sannadkan 2016.

Wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa xukuumadda Somalia ka codsaday inay dhammaystirto nidaamka Federaalka dalka isagoo ku baaqay la dhameeyo arrimaha taagan.

Maamul ay yeeshaan Jowhar iyo Baladweyne ayuu sheegay inay ka qayb qaadanayso sidii loo heli lahaa isku xirnaan iyo isu soo dhawaansho ka dhex dhacda dadka dagan labada gobol.

“Waxa ay nala tahay in la soo gaaray, waqtigii la dhameystiri lahaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaan soo jeedineynaa in la da dajiyo dhismaha maamulkaasi, maadaama iyagu kaliya ay ka harsanyihiin dhismaha nidaamka federaalka ah, waxaana uu caawinaya in la helo nabadgelyo iyo isu soo dhawaasho shacabka labada gobol,” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Afeey.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in 03 bishan dib u furmi doono shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, balse waxaa muuqata inaan xal laga gaarin kala aragti duwanaanta iyo walaaca laga muujiyay shirka gogoshiisu taallo Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM