Afhayeenka Musharaxiinta oo u jawaabay Qoorqoor

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] wuxuu ka been sheegay waan-waantii socotay ee arrimaha doorashooyinka, sidda uu sheegay afhayeenka Musharaxiinta.

Ridwaan Xirsi, oo kamid ah Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ee 2020-21, ayaa xusay in Qoor-qoor uu kasoo dhalaali waayey balantii uu u qabsaday xalinta khilaafka oo ahayd saddex casho.

Mr Xirsi oo u waramay warbaahinta ayaa "nasiib-daro weyn" ku tilmaamay in dowladda federaalka ay "go’aan hal dhinac ah" ka qaadato is-mari-waagga ka taagan coddeynta heerka Qaran.

"Madaxweyne Qoor-qoor waxay ahayd in uu saddex maalmood gudahooda uu talo kusoo celiyo. Wax jawaab ahna kama hayno. Waxaan la yaabay in uu yiraahdo jawaab waan waayey mana jirto wax jawaab ah oo Qoorqoor nooga timid," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Afhayeenka oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in aan wali is-faham laga gaarin is-qabqabsiga guddiyada doorashooyinka ee saraakiisha amniga, shaqaalaha rayidka iyo taageereyaasha madaxweynaha lagu daray; si lamid ah qadiyadaha gobolka Gedo iyo xulista wakiilada Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa Sabtida maanta ah shaaciyey in ay fashilmeen dedaaladii xalka loogu goobayey khilaafka doorashadda ayna guda-gelayaan hirgelinta doorashooyinka ayadda oo is-mari-waaga uu ka taagan yahay.

Isaga oo sii hadlaya Ridwaan ayaa qashinka ku daray sheegashada Qoorqoor ee ah in uu jawaab siiyey hogaanka Puntland iyo Jubaland isla markaana madaxda qaranka ay tanaasul badan muujiyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu "doonayo doorasho boob ah" wuxuuna ku sifeeyay go'aanka xukuumadda ku hirgelineyso doorasho hal dhinac ah mid wada saameynaya guud ahaan waddanka.

Dhanka kale, xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu waramayaa in ay shir deg-deg ah u balansan yihiin caawa isla markaana ay ka arrin-sanayaan talaabooyinka ay qaadayaan kadib go’aanka dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM