​Afhayeenkii maamulkii hore Ximan iyo xeeb oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Afhayeenkii maamulkii horey uga talin jiray gobollada dhexe ee Somalia qayb kamid ah kahor intuusan la Midoobin Galmudug ayaa lagu dilay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Kooxo watay dharka ciidamada dowladda Somalia ayaa Axamed Cumar Hagafeey, ku toogtay Agagaarka Isbitaalka Digfeer.

Lama oga cidda falkaas ka dambaysay iyo waliba sababta loo dilay, balse goob jooge ka ag-dhawaa goobta weerarku ka dhacay ayaa GO u sheegay inay fuliyeen kooxo watay baabuur.

Dablaydii falka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia, ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano kala duwan ka sameeyay qaybo kamid ah caasumadda Somalia.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan ka dambaysa weerarada kudhufo oo ka dhaqaaq ah kuwaasoo lagu khaarajiyo saraakiil hore iyo kuwo katirsan dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira.

Dilkan ayaa yimid saacado uun kadib markii kooxda Al Shabaab magaalada Muqdishu ku dishay General Xassan Dheere oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Somalia gaar ahaan Nabad Sugidda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM