Afwerki oo soo gaarey Muqdisho iyo kulamo ka socda Villa Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo uu hor-kacayo Madaxwaynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho ku yimid magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya kadib caasumaad loo fidiyay.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] oo ay wehliyaan masuuliyiin isugu jira Xilldhibaano iyo wasiiro ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Dhinaca madaxtooyadda, Villa Soomaaliya, ayaa loo galbiyay Afwerki iyo masuuliyiinta la socota, halkaasi oo la filayo inay kulamo kula yeesheen hogaanka dalka, kaasi oo arrimo badan diiradda lagu saari doono.

"Labadda Madaxwayne waxay yeelan doonan wadahadal labo geesood ah...oo ku saabsan dhinacyadda faa'idada u ah [labada dowladood," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Aqalka looga taliyo wadanka.

Amniga magaalo madaxda wadanka leh xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika ayaa si wayn loo adkeeyay xili wadooyinka qaar ee caasimadda loo xiray imaanshiyaha wafdiga, shacabkuna waxay ku gaarayaan danahooda iyaga oo lugaynaya.

Booqasho uu Afwerki ku yimid Soomaaliya ayaa noqoneysaa tii ugu horeysay Tobanaan sano kadib markii uu dalka ka qarxay colaad sokeeye galaafatay dad badan, oo uu haatan kasoo kabanayo.

Bishii July ayay ahayd markii uu Farmaajo ku tegay wadanka Eritrea socdaal taariikhi ah, kaasi oo dib loogu soo celiyay cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee wadamadaan oo markii horey hooseeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM