Agaasimaha Guud ee Wasaarada Bartoolka oo shaqada laga joojiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Guud Wasaaradda Bartoolka xukuumadda Soomaaliya, Karaar Shukri Doomey ayaa maanta oo Talaado ah "shaqo joojin lagu sameeyay".

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiir ku xigeenka, Doomey ayaa waxaa lagu eedeeyay kala qeybinta shaqaalaha wasaaradda.

Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sidoo kale agaasimaha guud ku dhaliilay in uu ku tagrifalay xilka uu hayo.

Mr Doomey ayaa, sida ku cad war-saxaafadeedka, waxaa sidoo kale lagu haystaa in uu si qaldan u maamuley mashaariicyo.

Hilaal ayaa agaasimaha guud si lamid ah ku eedeeyay in soo saarey war-murtiyeedyo, isaga oo aanan madaxdiisa la tashan.

Geesta kale, Doomey illaa iyo haatan kama uusan jawaabin shaqo joojinta iyo waliba eedeymaha loo jeediyay.

Ugu dambeyntii, Xuseen Cali Axmed, oo ah agaasimaha waaxda nidaaminta bartoolka wasaarada, ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabey jagada laga rukhseeyay Doomey.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM