Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo diidan wadahadalka Muqdisho

Image

NAIROBI, Soomaaliya - Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yasiin Xaaji Daahir oo ku sugnaa magalada Nairobi maalmihii lasoo dhaafey ayaa sida warsidaha GO ogaadey magalaada Muqdisho ka ambabaxey ka hor inta ay caasimadda ay soo gaarin madaxda maamul goboleedyada  kuwasoo martiqaad rasmiya Oct 28, 2017 ka heley Madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu diidan yahay nidaamka Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka shaqeeynaya sidii xilalka looga qaadi lahaa qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.

Wararka warsidaha GO ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulanka magalaada Muqdisho uga socda madaxda Soomaaliya ay ku gaareen hehsiis hordhac ah oo sheegaya in dowlada Federaalka faragalinta ka deyso arimaha gudaha ee maamulada, balse Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya uu ka dhaga-adeygayo fulintiisa.

Fahad Yaasiin ayaa magalada Nairobi ka wada qorshe xilka looga qaadayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo kamid ah madaxda ku sugan Muqdisho ayaa maalintii Khamiista cabasho ka muujiyey in lacago ka imaanaya Nairobi lagu bixinayo xil- ka qaadistiisa.

Dhinca kale Fahad Yaasiin oo ka dagan magalada Nairobi Hotel Kimpisky ayaa safar gaaban uu ku tagey dalka Sucuudiga galabnimadii Khamiista dib ugu soo noqdey xarunta Dalka Kenya.

“Safarka Dalka Sucuudiga uu ku tagey Fahad Yaasiin waxaa uu salka ku hayaa labo arimood; balan Madaxweyne Farmaajo kasoo qaadey madaxda Riyad, taasoo aheyd in Fahad booqasho ugu imaanayo isagoo madaxda dalkaas ka saaraya shakiga ay ka qabaan halka danta kale noqon karto inuu u tagey arimo la xiriira lacag boqor Salman siin lahaa Dowlada Farmaajo.”sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal ku sugan Nairobi oo diidey magaciisa.

Fahad Yasiin oo dhinaca kale udub dhexaad u ah khilaafka u dhexeeya Dowlada Soomaliya iyo wadamada ugu awooda badan Khaliijka ayaa la rumeysan yahay in gacan saar dhow  la leeyahay dalka Qadar.

Agaasimaha guud ee Villa Soomaaliya oo la shaqeyn jirey Talefishinka Al- Jazeera ayaa markii dambe madax ka noqdey hay’ad cilmi baaris ah taasoo u suurtagalisay in wadanka Soomaaliya saameyn siyasadeed ku yeesho. Fahad Yaasiin ayaa hurmuud u ahaa kooxo  ku guuleystey labo doorasho Madaxweyne ee ka dhacdey Soomaaliya sanadihii 2012 &2017. 

Madaxda maamulada Soomaaliya ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan kulanka Muqdisho uga socda cabasho ka gudbiyey hab-dhaqanka siyaasadeed ee Agaasimaha guud Madaxtooyada Soomaaliya taasoo ku saleysan la dagaalanka nidaamka Federaalka.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM