Agaasimaha NISA oo isu sharaxaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed [Sabab]

Image

BAYDHABO - Agaasimaha hay’ada sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen “Calool Kuus” ayaa xilka iska casiley isagoo la filayo in maalmaha soo socda ku dhawaaqo inuu musharax u yahay xilka Madaxweyha maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa is-casilaadiisa waxaa lagu shaaciyey barta Twitter NISA ku leedahay iyadoo la sheegey in arimo gaar u ah shaqada uga tagey.

Taliyaha oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa sida la rumeysan yahay waxaa   musharxnimadiisa  ka dambeysdambeeya  Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey sababta Calool Kuus isugu sharaxayo xilkaan ay la xiriirto labo arimood; Musharaxa ka socda dhinaca Dowlada- horeyna u ahaan jirey ku xigeenka Al Shabaab Mukhtar Roboow oo shaki la galiyey kadib markii cunaqabateyn caalami ah ku soo baxdey; iyo isagoo noqdey qabiilka Mirefle.

Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed ayaa wararku sheegayaan inuu kasoo jeeda Beelaha Mirifle taasoo adkeyneysa in la doorto Madaxweyne isla-beeshaas kasoo jeeda.

Qof ka warqaba Hab-qaybsiga beelaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa GO u sheegay in Taliyaha NISA uu kasoo jeeda beelaha Digil waana sababta keentey in Villa Soomaaliya ula soo degdegto musharaxnimadiisa.

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa bisha November ayaa la filayaa iney noqoto mid aad u adag madaama Dowlada Federalka ku dadaaleyso sidii  ay wax uga badali laheyd natiijada. 

Madaxweyne Shariif Xasan oo muddo ku soo dhex-jirey siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa uu haystaa tageerada maamulada xiriirka dhowaan u jarey Dowlada Federaalka ah.

Dowlada Federaalka ayaa ku dadaaleysa sidii siyaasiyiin gacan-saar la leh ugu guuleysan lahaayeen gacan ku haynta maamulada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM