Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaqada laga Eryay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uul katirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkiisa ku waayay qoraal uu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, oo uu taageero ugu muujiyay taageeray Israel.

C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Israel, oo u arko in aysan cidna dhaawaceynin, balse horumarineyso nabadda iyo iskaashiga.

Sidoo kale, C/llaahi Dool ayaa ku xusay qoraalka in Shacabka Reer Falastiin ay yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool magaaladda Gaza.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dan ugu jirto inay soo dhaweyso Israel.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ku sheegay qoraal uu Twitter-ka soo dhigay in mas'uul taageersan Israel uusan u shaqeyn karin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dhawaan shaacisay mowqifkeeda ku aadan buuralayda Goolan ee Syria oo Trump u sharciyeeyay Israel, balse ay go'aankaasi kasoo horjeesteen dowladaha ku jira Jaamacada Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu yeeray Muqdisho wakiilkii Soomaaliya u fadhisay Gollaha Xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey ee Geneva, Faadumo C/llaahi kadib markii ay ka aamustay go'aan lagu taageeray Syria.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM