Ahlu Sunna oo eedaysay dowladda Federaalka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Hadal kasoo yeeray maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee ka taliya qaybo kamid ah gobollada dhexe, ayaa ka hadlay asbaabaha keenay inuu fashilmo wada-hadaladii u dhaxeeyay iyaga iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulkaas Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadii hore ee Xasan Sheekh sabab u ahayd in labada maamul kala fogaadaan.

Dowladda hadda jirta ayuu sidoo kale ku dhaliilay war kasoo baxay todobaadkii hore oo looga hadlay wada-hadalka labada dhinac, kaasoo Sheekh Shakir ku sifeeyay mid khilaafka baasiin kusii shubaya.

“Dowladdii hore ayaa xagal daacisay wada-hadalkii Ahlu Sunna iyo Galmudug, xukuumadda hadda jirtana qoraalkii kasoo baxay wuxuu sii kala fogaynayaa kala qoqobka jira,” Sidaas waxaa sheegay Sheekh Shakir.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu dowladda Federaalka ugu baaqay inay faraha ka laabato dhammaan waxyaabaha keenaya mugdiga siyaasadeed ee maamullada ka taliya gobollada dhexe.

Ahlu Sunna ayaa ka hartay doorashadii Galmudug, kadib markii xal laga gaari waayay wada-hadal Muqdishu uga furmi lahaa labada dhinac, waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, lagu sheegay in doorashada Galmudug waqtigeeda la qabto, wixii khilaaf ah ee jirana dib la isaga yimaado.

Balse doorashada Galmudug ayaa dib u dhacday xilli maanta la filayay inay dhacdo, waxaana laga dhigay 05 bisha soo socota ee May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM