Ahlu Sunna oo ka baxay shirka Cadaado ka socda

Image

May 20, 2015 (GO)- Maamulka Ahlu Sunna ayaa isaga baxay shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee degmada Cadaado ka socda, maalmo kadib markii ay shirka sidan oo kale beelo dhowr ahi u qaadaceen.

Qoraal kasoo baxay hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in sababta ay shirkaas u  qaadaceen tahay kadib markii Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Guduhu tixgelin siin weydey Ahlu Sunna, waa sida qoraalka lagu xusaye.

Qoraalka waxaa sidoo kale baaq loogu direy dadka ku nool deegaannada Ahlu Sunna ka arrimiso, kuwaasoo lagu wargeliyey inay ogaadaan in shirka laga waaciyey waddadii saxda ahayd.

Ka bixitaanka Ahlu Sunna ee shirka Cadaado ayaa cirka kusii shareeraya xiisaddii horay u taagneyd islamarkaana xoojinaya khilaafaadka caqabadda ku noqdey habsami u socodka shirka.

Ahlu Sunna oo ka arrimisa qaybo kamid ah gobollada dhexe gaar ahaan gobolka Galguduud, waxay kamid ahayd dhinacyadii saxiixey heshiiskii maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM