Ahlu Sunna oo ka hadlay sababta loo xirey Radio Galguduud

Image

May 19, 2015 (GO)- Maamulka Ahlu Sunna ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xarigga Idaacadda Galguduud oo shalay albaabada laysugu dhuftey islamarkaana xabsiga la dhigey qaar kamid ah hawl-wadeenadeeda.

Taliyaha booliska Guriceel Gallad Maxamuud ayaa sheegay in sababta idaacaddaas loo xirey tahay kadib markii ay buunbuunisey shirka Cadaado islamarkaana ka dhega adeygtey inay baahiso wararka ku saabsan Ahlu Sunna.

Maamulka Radio Galguduud ayaa dhega adeygey amarro dhowr ah oo uga yimid dhanka maamulka Ahlu Sunna, waxaana kamid ahaa:

In aan la baahin karin wararka ku saabsan shirka Cadaado ka socda.
Inaan la baahin karin wararka ku saabsan Dowladda Federaalka.
Iyo in aan la baahin karin idaacadaha ka dhex hadla FM-yada Somalia, sida BBC iyo VOA.

Ururka saxafiyiinta NUSOJ ayaa cambaareeyey falkan kuna tilmaamey mid xadgudub ku ah madax bannaanida saxaafadda.

NUSOJ ayaa sidoo kale ugu baaqey maamulka Ahlu Sunna in dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo wariye Cabdiqaadir Guure.

Ahlu Sunna oo qayb ka ah saxiixeyaasha shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa kamid ah dhinacyada saluugsan qaabka shirka Cadaado u socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM