Ahlu-Sunna:"qorshaha nooguma jirto inaan ka baxno Dhuusomareeb"

Image

June 9, 2015 (GO)- Afhayeenka Ahlu-Sunna ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dawlada Faderaalka Soomaaliya.

Cabdinuur Maxamed Xuseen oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa  sheegay in maamulkooda uu ka shaqeynayo nabada gobolada dhexe, qorshahooduna uu yahay inay ka xoreeyaan Alshabaab.

Baaqa ka soo baxay Nicholas Kay ee ahaa inay deg deg uga baxaan Dhuuso Mareeb ayuu xusay inuusan soo gaarin, isagoo intaas raaciyay inaysan cidna ka yeelayn inay ka baxaan Magaalada Dhuusomareeb.

Cabdinuur ayaa si cad u sheegay  inuu burburay heshiiskii lagu gaaray  degmada Guriceel 5 Maarso 2015,kaas oo ahaa In la joojiyo dagaalada soo noqnoqday.

Dhinaca kale Dawlada Soomaaliya ayuu ku eedeyay inay jabisay qodobada ku xusnaa Heshiiskaas, isagoo carabka ku adkeeyay inaysan dagaal diyaar u ahayn balse lagu khasbay.

June 7, 2015 ayey ahayd markii mileeshiyaad ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM