Ahlu-Sunna:"qorshaha nooguma jirto inaan ka baxno Dhuusomareeb"

Image

June 9, 2015 (GO)- Afhayeenka Ahlu-Sunna ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dawlada Faderaalka Soomaaliya.

Cabdinuur Maxamed Xuseen oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa  sheegay in maamulkooda uu ka shaqeynayo nabada gobolada dhexe, qorshahooduna uu yahay inay ka xoreeyaan Alshabaab.

Baaqa ka soo baxay Nicholas Kay ee ahaa inay deg deg uga baxaan Dhuuso Mareeb ayuu xusay inuusan soo gaarin, isagoo intaas raaciyay inaysan cidna ka yeelayn inay ka baxaan Magaalada Dhuusomareeb.

Cabdinuur ayaa si cad u sheegay  inuu burburay heshiiskii lagu gaaray  degmada Guriceel 5 Maarso 2015,kaas oo ahaa In la joojiyo dagaalada soo noqnoqday.

Dhinaca kale Dawlada Soomaaliya ayuu ku eedeyay inay jabisay qodobada ku xusnaa Heshiiskaas, isagoo carabka ku adkeeyay inaysan dagaal diyaar u ahayn balse lagu khasbay.

June 7, 2015 ayey ahayd markii mileeshiyaad ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM