Ajaaniib lala xiriiriyey Al-Shabaab oo maxkamad lasoo taagay
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah maxkamad soo taagtey laba shaqsi ajnabi ah kuwaasoo lagu eedeeyay in ay xubin ka ahaayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Dereyn Antonio Perez, 44-jir British ah, iyo Axmed Mustaqiim Bintu Cabdixamiid, 34-jir Malaysian ah, ayaa lagu waramay in ay Soomaaliya kasoo galeen dhanka degaanadda Puntland 2009-2010.
Eedeysaneyaasha oo la sheegay in ay kala qaabilsanaayeen qorida xubno cusub ee ajnabiga ah iyo adeegsiga Tiknoolajiyadda casriga ah ayaa u xirnaa dowladda Soomaaliya muddo laba sano ah.
Cabdixamiid oo ku xeeldheer adeegsiga Tiknoolajiyada casriga ah ayaa ku doodey in Soomaaliya uu keenay "qof uu u malaynayo in uu dhintay oo ay wada dhigan jireen jaamacad ku taala Yemen".
Perez oo ahaa masiixi Islaamay ayaa u sheegay xeer-beegatada in uu Soomaaliya u yimid si uu u soo booqdo ehelka gabar Soomaali ah oo uu ku guursadey boqortooyadda midowday ee Ingiriiska.
Is-mari-waaga qareenada iyo xeer-ilaalinta
Dacwad-oogeyaasha ayaa cuskanaya qiraalo laga qoray eedeysaneyaasha oo ay kamid tahay in ay dalka u yimaadeen "si ay xoog iyo aqoon ugu caawiyaan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida".
Hase ahaatee, qareenada ayaa sheegay in qiraalada ay yihiin kuwa ku yimid "hanjabaad iyo balamo kale oo rajo abuur ah" waxaana ay sheegeen in aysan sii socon karin gal-dacwadeedkan.
"Taas macquul ma ahan garsoore ayaa ka qoray qiraalka. Garsooraha ayaa dhiirageliyey, been u sheegay ama khiyaamay waa dulmi taas," ayuu yiri Cabdullaahi Buule Kamey, xeer-ilaaliyaha ciidamada.
Maxkamadda oo go'aamisay in kiiska uu sii socdo ayaa sheegtay in kaliya xukunka ay ku saleyn doonto diiwaanada kaga baxa fadhiga maxkamadda oo aysan adeegsan doonin dhamaan qiraalada la duray.
Sida ay sheegeen baareyaasha, Perez iyo Cabdixamiid ayaa laga soo qabtey magaalada Mukale ee dalka Yemen kadib markii Soomaaliya kaga baxeen dhanka jihada xeebta ah ee magaalada Xarar-dheere.
Ciqaab "digniin u ah ajaaniibta kale"
Xeer-ilaalinta oo eedeysaneyaasha ku tuhmaysa in ay Soomaaliya u yimaadeen "si ay u daadiyaan dhiig" ayaa dalbadey in lagu xukumo "ciqaab u qalanta oo digniin u ah ajaaniibta kale ee lamidka ah".
Sida ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka maxkamadda ciidanka, labada eedeysane waxay heleen xuquuq dhameystiran oo dhanka difaaca ah iyo turjumaano luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamadda, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur [Shuute] oo soo xiray fadhiga maxkamada, ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay xukunka kama dambeysta ah soo saarayaan.
Perez iyo Cabdixamiid ayaa la rumeysan yahay in kadib ka bixitaankooda Soomaaliya ay Yemen ugu sii socdeen si ay uga mid noqdaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dalkaas gaar ahaan Daacish.
Iskaba daa in maxkamad lasoo taago, waa dhif iyo naadir in gacanta lagu dhigo ajaaniibta ka barbar-dagaalanta Al-Shabaab, balse waxaa muuqaneysa isbedel weyn taas oo ugu yaraan cabsi gelinaysa kuwa kale.
GAROWE ONLINE