Ajnabigii laga qabtay madaarka Aadan Cadde oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan waxay kasoo saartay dacwadda loo heystay nin u dhashay Ingiriiska, kaasi oo bishii Janaayo laga qabtay garoonka Aadan Cadde.

Andrew Brain Irlam, oo 48-sano jir ah, ayaa loo haystay in uu walxo qarxa la galay gudaha madaarka, in uusan qalabkiisa ku war-gelin laamaha amniga iyo in uu khal-khal geliyay nabad-gelyadda.

Shaqsigan ayaa markii la qabtay waxaa magaciisa lagu sheegay Anthony Thomas Cox, balse maxkamadda waxay kolkii dambe ku tilmaamtay "Andrew Brain Irlam".

Tirro laba jeer ah ayuu horey maxkamadda uga soo muuqday kahor inta fadhigii maanta, waxaana uu ku xirnaa mudadaasi oo lix bilood ah xabsiga dhexe ee Xamar, oo maxaabiis Daacish isku dayeen in ay khaarijiyaan.

Xeer-beegtadda oo Talaadada maanta ah mar kale u fadhiisatay gal-dacwadeedkan ayaa shaacisay in ay ku wayday labadda eedeyn ee horey, balse ay "ku heshay" eedeynta saddexaad.

Garsooreyaasha oo dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay ciqaabta uu mudan yahay ayaa isku raacay in shaqsigan lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya todoba kun oo dollar-ka Mareykanka.

Inta la og-yahay, waa markii ugu horeysay tan iyo burburkii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee 1991-dii kadib, in shaqsi ajnabi ah lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaala madaxda.

Irlam oo dhalasho labaad ka haysta waddanka Faransiiska ayaa wuxuu la shaqeynayay shirkad dhanka amniga ka shaqeysa oo lagu magacaabo Bancroft, taasi oo laga leeyahay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM