Akhriso qodobada looga hadlayo Shirka Muqdishu ka furmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay shirka madaxda Somalida uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka iyadoo ay soo baxayaan qodobo hordhac ah kuwaasoo la sheegayo in looga doodi doono mudada kulamado socdaa.

Shirka waxaa kasoo muuqday Ra'isal wasaraha dowladda Federalka Somalia kaasoo la sheegayay inuu ka maqnaan doono kulankan xasaasiga ah.

Cumar Cabdirashiid iyo Guddoomiyaha Barlamanka ayaa lagu dhaliilayaa inay kaalin ku leeyihiin fulin la'aanta jadwalka doorashada.

Madaxweynaha dowladda Somalia oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii waddanka xilligii loogu talo galay doorasho uga dhici lahayd, wuxuuna dalbaday in laga shaqeeyo qaabkii loo fududayn lahaa farsamooyinka ku xeeran marxaladda kala guurka ah.

Ajandayaal dhawr ah oo hoos ku xusan ayaa laga filayaa in looga doodo mudada kulamadan socdaa;

  • Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)
  • Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.
  • Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors).
  • Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016.

Shirkan ayaa imaanaya xilli cabsi xooggan laga qabo dib u dhac ku yimaada waqtigii loo asteeyay inay qabsoonto doorashada Somalia taasoo lagu dhaliilayo dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM