Akhriso Tirada Xujeyda Soomaalida ee ku dhimatay Xajka 2018

Image

MINA, Saudi Arabia - Labo xujey Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Xaaji Axmed Maxamed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale ayaa qayb ka ah dad ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Magaalada Mina ee dalka Sacuudiga, iyagoo ku guda jira gudashada Acmaasha Xajka.

Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Sacuudiga ayaa daboolka ka qaaday in Saalax uu ku dhintay Buurta Carafaad, halka Jimcaale uu ku geeryooday Magaalada Mina, waxayna intaas ay ku dareen inay Qaboojiye kusii jiri doonan inta Xajka kasoo idlaanayo.

Fahad Abuu Daalib oo ah Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka ayaa tilmaamay in Soomaalida iyo xujeyda kale ee ku dhimatay la aasi doono kadib marka uu lasoo gabagabeeyay Xajka oo haatan meelihii ugu dambeeyay maraya.

Ma uusan kala caddeyn hadii xubnaha ku geeryooday Xajka ee Soomaalida iyo dalalka kale ee caalamka kasoo jeeda lagu aasi doono gudaha dalka Sacuudiga ama loosoo qaadi doono dalkooda Hooyo si ay u arkaan qoyskooda kadibna loo aaso.

In ka badan 2 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan gudanaya mid kamid ah rukniyadda ugu waa wayn tiirarka Islaam-ka, iyaga oo waqti xaadirkaan ku guda jira ku guda jira Jamraadka, xili maalmo uu uga harsan yahay dhameystirka Acmaasha Xajka.

Soomaalida sanadkaan ka qayb-galaysa Xajka oo ay dowladda Soomaaliyeed tiradooda ku sheegtay 22-kun oo Xujey ah ayaa waxaa lasoo dareystay xaalad dhanka adeeg-xumo ah, taasoo sababtay inay qaarkood dibada jiiftaan habeenkii. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM