​Akoonnada dowladda oo si KMG ah lo Xannibay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegaya in si KMG ah loo xannibay akoonnadii dowladdu ku lahayd Bangiga dhexe iyo qaar kamid ah xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Amar kasoo baxay Madaxweynaha cusub ayaa xayiraad lagu saaray in hantida qaranka lagala baxo bangiga inta lagu guda jiro xil-wareejinta.

Meelaha sida goonida ah xayiraadda loo saaray, waxaa kamid ah dowladda hoose Xamar iyo Wasaaradda dowladda qaytood.

"Akoonadii dowladdu ku lahayd bangiga dhexe, shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa amar lagu bixiyay inaan laga saari karin shilling dowladdu leedahay muddo kooban aan inta ay tahay garan karin,"Ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo katirsan dowladda waqtigeedu dhammaaday.

Dhinaca kale waxaa amar kaas lamid ah lagu joojiyay in akoonno kale laga furto mudada kala wareegga ah shirkadaha gaarka loo leeyahay, si looga hortago musuq iyo xatooyo.

Go'aankan ayaa yimid xilli Madaxweynaha cusub uu ballan qaaday inuu ilaalin doono hantida Qaranka doorashadiisa kadib xilli uu ku jiray hoolkii uu ku guulaystay.

Xil-wareejinta ayaa lagu wada inay qabsoonto todobaadka soo socda.

Sannadkii 2012 ayaa lacago badan lagala baxay bangiga dowladda mudadii lagu jiray kala wareejinta xilalka mas'uuliyiinta sare ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM