Al Shabaab laga saarey deegaano cusub

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay dhowr deegaan oo ku yaalla gobollada Shabeellooyinka, kadib howlgal ay fuliyeen 48-kii saac ee lasoo dhaafay.

Taliska Ciidamada ayaa xaqiijiyay in ay ka saareen Al Shabaab Tuulooyinka Basra, Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Jabaluul oo kawada tirsan labadaasi gobol, iyadoo aan dhicin wax dagaal ah maadaama Al Shabaab isaga carareen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku aadan sidii Al Shabaab looga saari lahaa goobaha ay kaga harsan yihiin labadan gobolka, oo mudo ku sugnaayeen.

Tani ayaa imaanaysa xili dowladda Federaalka ay qorsheynayso guluf dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo taageero ka raadisay dowladaha deriska ah, sida Uganda, Jabuuti iyo Itoobiya oo horey ciidamo uga joogeen dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa qaadayso weerar loogu aar-gudayay qaraxii Al Shabaab 14-kii Oct ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 qof.

AMISOM ayaa isku diyaarinaysa inay ka baxdo dalka 2018-ka, iyadoo uu jiro guluf colaadeed oo ka dhan ah Al Shabaab. Halkan ka akhriso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM