​Al Shabaab oo 8 Odoy dhaqameed ku qowracday gobolka Mudug

Image

XARARDHEERE, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa 8 Oday dhaqameed ku gowracday duleedka degmada Xarardheer ee gobolka Mudug, kadib markii ay ka biyo diideen inay bixiyaan Xoolo ururkaasi ugu yeereen Zeko.

Dilka Odayaasha ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dumaaye, oo u dhaw degmada Xarardheere  halkaasi oo Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal ku dhexmarayay Xoolo-dhaqato iyo Al Shabaab.

Qof kamid ah Dadka Deegaan oo lagu magacaabo Nuur Cabdullaahi ayaa Warbaahinta u xaiijiyay Gowraca Odayaasha, isagoo intaasi ku daray inay jiraan dad kale oo gaaraya 7 qof oo Al shabaab ku dileen Dumaaye.

"Markay diideen dadka reer Dumaaye inay si qasab ah u bixiyaan Xoolahooda, waxaa lagu soo qaaday weerar kaasi oo isku bedelay dagaal qaraar oo qaatey mudo 3 maalmood ah oo dhexmaray Al Shabaab iyo Shacabka," ayuu yiri Nuur Cabdullaahi.

Nuur,  ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka socdo duleedka Xarardheere lagu dilay in ka badan 10 katirsana Kooxda Al shabaab.

Wuxuu sheegay in Al shabaab ay jareen Isgaarsiinta Xarardheere iyo deegaanada ku dhaw ee Dirirta ay ka socoto, si Maleeshiyada Xoolo-dhaqatada ah u helin wax gurmad ah oo dhanka Galmudug uga yimaada.

Al Shabaab waxay Dab qabad siiyeen Labo Tuulo oo ku yaalla meel ku dhaw Deegaanka Dumaaye, waxaana ay Motooro kala baxeen Ceelal-Biyood ay Dadka deegaanadaasi Biyaha ka cabayeen.

Dadka deegaanka ayaa soo wajahday Cabsi la xiriirta dagaalka socdo iyo Biyo la'aan baahsan, waxaana qaarkood ay billaabeen inay u cararaan dhanka magaalooyinka kale ee katirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Majirto wax tallaabo ah oo ay qaaday dowladda Waqtigeedu dhammaaday iyo maamulka Galmudug

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM