Al Shabaab oo afar ruux ku toogatay degmada Bu'aalle

Image

BU'ALLE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in afar qof ay maanta ku toogatay magaalada Bu'aalle ee gobolka Jubbada dhexe, kadib markii ay ku heshay falal jaajuusnimo.

Raggan la toogtay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirisaaq Xaashi Cabaas, Cumar Cadar Cumar, Maxamed Aba Mayow iyo Mustaf Maclin Xasanm, ayaa waxaa xukuntay maxkamad gaar ah oo ay leedahay Al Shabaab.

Boqolaal qof oo caruur iyo haween ay kamid ahaayeen ayaa ka qeyb-galay toogashada afarta qof, iyadoo goobta lagu dilay ay joogeen Saraakiil katirsan kooxda, oo dadka la hadlay.

Mustaf iyo Cabdirisaaq waxay Al Shabaab ku eedaysay inay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Itoobiya, halka labada kale ay la shaqeynayeen Hay'adda NISA ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta badan Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka ka fulisaa xukunada noocan ah, iyadoo aan jirin qareeno loo qabto eedaysaniyaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dedaallo ugu jira inuu mideeyo cudada ciidana qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si ay duulaan ugu qaadaan Al Shabaab, oo laga sifeynayo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM