​Al shabaab oo bandhigay weerarkii Kulbiyow

Image

JILIB, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro la xiriira weerarkii ay Jimcihii lasoo dhaafay ka gaysteen saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow, ee gobolka Jubbada hoose.

Muuqaalka la baahiyay, waxaa ka muuqda Meydadka Askar badan, Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Kenya iyo Hub fara bada, oo Al shabaab ku sheegtay inay saldhigaas kasoo qaateen markii ay la wareegeen.

Xarakadan xiriirka la leh Al Qaacida ayaa arrintan kusoo bandhigtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo ah fariisinka ugu wayn ee Kooxdaasi ku leedahay koonfurta Somalia.

Khasaaraha weerarka ayaa wali waxaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan, oo la xiriira Tirada askarta ciidamada Kenya ee lagu dilay Qaraxa Gaari iyo Dagaal ka dambeeyay.

Al shabaab ayaa sheegtay inay ku dileen weerarka Kulbiyow 70 Askar, halka Wasaarada Difaaca dowladda Kenya ay beenisay warkaasi, sidoo kalena sheegtay in 9 Askari oo kaliya uga dhimatay.

Weerarka Kulbiyow ayaa ahaa midkii labaad, oo lagu qaado ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana ka horeeyay midkii Ceel-Cadde oo dhacay January, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM