​Al shabaab oo bandhigay weerarkii Kulbiyow

Image

JILIB, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro la xiriira weerarkii ay Jimcihii lasoo dhaafay ka gaysteen saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow, ee gobolka Jubbada hoose.

Muuqaalka la baahiyay, waxaa ka muuqda Meydadka Askar badan, Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Kenya iyo Hub fara bada, oo Al shabaab ku sheegtay inay saldhigaas kasoo qaateen markii ay la wareegeen.

Xarakadan xiriirka la leh Al Qaacida ayaa arrintan kusoo bandhigtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo ah fariisinka ugu wayn ee Kooxdaasi ku leedahay koonfurta Somalia.

Khasaaraha weerarka ayaa wali waxaa kasoo baxaya warar is-khilaafsan, oo la xiriira Tirada askarta ciidamada Kenya ee lagu dilay Qaraxa Gaari iyo Dagaal ka dambeeyay.

Al shabaab ayaa sheegtay inay ku dileen weerarka Kulbiyow 70 Askar, halka Wasaarada Difaaca dowladda Kenya ay beenisay warkaasi, sidoo kalena sheegtay in 9 Askari oo kaliya uga dhimatay.

Weerarka Kulbiyow ayaa ahaa midkii labaad, oo lagu qaado ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana ka horeeyay midkii Ceel-Cadde oo dhacay January, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM