​Al Shabaab oo beenisay inuu katirsanyahay ninka ay qabatay NISA

Image

GAROWE, Puntland- Xarakada Al Shabaab, ayaa ka hadashay nin shalay boggeed Twitterk kusoo bandhigtay hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, kaasoo la sheegay inuu ka dambeeyay weerarkii 16 maalmood ka hor lagu qaaday dekedda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Shabaab oo barteeda Internetka ku baahisay cod iyo qoraal ay uga hadlayso weerarkaas ayaa sheegtay inuusan ahayn ninka hay'addaasi qabtay ruuxii waday baabuurka qaraxa lagasoo buuxiyay ee lagu weeraray  xaruntaas oo ay hor dhoobnaayeen dad shacab ah.

Kooxdan ayaa ruuxa qaraxa fuliyay waxaa cadeeyeen inuu ku geeriyooday weerarkaas, iyagoo sidoo kale baahiyay waraysi ay ka qaaday Idaacadooda kahor intuusan howlgalkaasi dhicin.

Magaciisa ayay ku sheegeen inuu yahay Khaalid Xuseen Maxamed oo loo yaqaanay "Garaad" oo sida ay xuseen kasoo kicitimay dhinaca Puntland, halka hay'adda NISA ninka ay qabatay magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Xasan.

NISA, ayaa xustay in Ibrahim uu gaariga kasoo kaxeeyay deegaanka Jannaale oo ay gacanta ku hayso Al Shabaab.

Balse, arrintas Shabaab wax faaf faahin kama aysan bixin.

Majirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta wararka iska hor imaanaya ee kasoo baxay labada dhinac.

Weerarkaas oo la fuliyay xilli aroor ah, ayaa waxaa ku geeriyooday in kabadan 20 qof, waxaana DFS goor sii horraysay sheegtay inay baaritaan kuwadaa sida wax u dhaceen iyadoo markii dambe ay baahiysay in gacanta lagu hayo qofkaas oo ka dagay gaariga kahor intuusan qarxin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM