Al-Shabaab oo Canshuur kusoo rogtey degaano DF ay maamusho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa ku amrey dadka ku nool tuulooyin dhanka Waqooyi Barri uga beegan magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay saacado qabsadeen Sabtidii inay waajib ku tahay bixinta lacago ay Shabaabku ugu yeeraan Zakawadka.

Qabshadda degaanadaasi ayaa ka dambeysay markii ciidanka xooga dalka oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ay isaga huleeleen gabi ahaanba halkaasi, inkasta oo aanan la ogayn sababta dhabta ah ee arrinkaasi ka dambeysay, mana jiro saraakiil ciidan oo ka hadashay.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen muddo kooban, kuwaasi oo gaaraya Saddex ayaa ku yaala nawaaxiga degmada Balcad, halkaasi oo ay joogaan ciidamada xooga dalka.

Qaar kamid ah dadka degaanka ee ku dhaqan meelaha ay dagaalamayaasha Al-Shabaab gacanta ku dhigeen saacado kahor inta aysan isaga dhaqaaqin ayaa u sheegay warbaahinta inay dadka isagu yeereen meelo fagaaro ah iyaga oo faray dhowr arrimood.

Qof magaciisa khariyay ayaa tibaaxay in arrimaha ay Al-Shabaab soo bandhigeen ay kamid tahay in Rayidka looga baahan yahay inay bixiyaan Zakawadka, taasi oo caado u ah ka uruuriyaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida meelaha ay dalka ka taliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qirtay in ganacsato ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay kamid yihiin dadka bixiya arrinkaasi xili ay uga digtey wallow xukuumadda lagu dhaliilay inaanu jirin qorshe oo ay hayso si looga hortago.

Shaki xoogan ayaa ka dhalashey in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay hayaameen degaanada ku dhow duleedka Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, qabsashada Al-Shabaab iyo awaamiirta ay kusoo rogeen, taasi oo xeel-dheerayaashy su'aalo badan ka keeneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM