Al-Shabaab oo dab qabad-siisay guryo dad shacab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay dab-qabad-siiyeen guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo ku yaala degaanka Yaaq-bira-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay sheegayaan wararka, talaabadda ayaa ka dambeysay ka gedaal markii ay dadka degaanka ka hor-yimaadeen amar kaga yimid xoogaga hubeysan oo ku aadanaa in ay gabi ahaanba ka guuraan tuuladdaas.

"Guryaha la gubay waxay u badan yihiin kuwa ka sameysan cooshaddo. Laakiin, wali lama soo warin wax khasaaro ah," ayuu Garowe Online u sheegay wariye madax-banaan oo sababo amni uga gaabsaday magaciisa.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay falkaas, waxaana ay ku qeexeen "fal muujinaya cadaawadd maleyshiyadda u hayso dadks Soomaaliyeed".

Falkaan ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay uu milatariga Soomaaliya guulo ka kala sheegtay howlgalo uu xusay in uu Al-Shabaab kula eegtay gobolkan gaabiga ku haya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgaladdaas oo dhacay Jimcadda iyo Khamiista toobaadkii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhowaad 70 dagaalame oo Al-Shabaab. Balse, milatariga Soomaaliya masoo bandhigin caddeymo dheeri ah.

Sheegashooyinkaas ayaa kusoo aaday xilli waddanka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed, waxaana falanqeeyeyaashu ku qeexeen "xeelad dowladda waqtiga ka dhacay ku doneyso in ay ku marin-habaabiso caalamka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM