Al-Shabaab oo dab qabad-siisay guryo dad shacab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay dab-qabad-siiyeen guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo ku yaala degaanka Yaaq-bira-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay sheegayaan wararka, talaabadda ayaa ka dambeysay ka gedaal markii ay dadka degaanka ka hor-yimaadeen amar kaga yimid xoogaga hubeysan oo ku aadanaa in ay gabi ahaanba ka guuraan tuuladdaas.

"Guryaha la gubay waxay u badan yihiin kuwa ka sameysan cooshaddo. Laakiin, wali lama soo warin wax khasaaro ah," ayuu Garowe Online u sheegay wariye madax-banaan oo sababo amni uga gaabsaday magaciisa.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay falkaas, waxaana ay ku qeexeen "fal muujinaya cadaawadd maleyshiyadda u hayso dadks Soomaaliyeed".

Falkaan ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay uu milatariga Soomaaliya guulo ka kala sheegtay howlgalo uu xusay in uu Al-Shabaab kula eegtay gobolkan gaabiga ku haya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgaladdaas oo dhacay Jimcadda iyo Khamiista toobaadkii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhowaad 70 dagaalame oo Al-Shabaab. Balse, milatariga Soomaaliya masoo bandhigin caddeymo dheeri ah.

Sheegashooyinkaas ayaa kusoo aaday xilli waddanka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed, waxaana falanqeeyeyaashu ku qeexeen "xeelad dowladda waqtiga ka dhacay ku doneyso in ay ku marin-habaabiso caalamka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM