​Al Shabaab oo dagaal kula wareegay Camaara

Image

CAMAARA, Somalia - Xoogaga Al Shabaab ayaa dagaal sababay khasaaro kula wareegay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, oo muddooyinkii dambe kula dagaalamayeen Ciidamada Galmudug.

Malleeshiyaad katirsan Al Shabaab ayaa gudaha u galay magaalada, waxaana ay qabsadeen saldhiga iyo xarunta maamulka, kadib markii ciidamadii joogay ee ka socda Galmudug dagaalka looga adkaaday.

Dadka ku nool Deegaanka Camaara ayaa xaqiijiyay in la wareegista Al shabaab ay timid markii ay weerar ku qaadeen saldhigyada difaaca ciidamada Galmudug, oo markii dambe sameeyay dib u gurasho dhanka Cadaado ah.

Camaara waxa uu Galmudug u ahaa gooba ay uga duulaan deegaanada Al shabaab ay ku sugan yihiin, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay abaabulka weerar ka dhan ah degmada Xarardheere.

Galmudug kama aysan hadlin deegaanka lagala wareegay, iyo khasaaraha ciidankeeda kasoo gaarey dagaalka ka dhacay Camaara.

Al shabaab ayaa sheegatay inay dileen dhowr Askari oo Galmudug katirsan.

Si kastaba, xaaladda deegaanka Camaara ayaa deggan, waxaana dadka ay soo sheegayaan in Al shabaab ay difaacyo ka sameysteen daafaha magaalada, si ay isaga caabiyaan weerar rogaal-celis ah oo dhanka Cadaado uga yimaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM