​Al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Muuri

Image

MUURI, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka Al Shabaab, ayaa galinkii dambe maanta dagaal dhiig ku daatay kula wareegay deegaanka Muuri, oo 13Km dhanka Galbeed uga beegan degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay Warsidaha GO, in  Al shabaab Labo Jiho ka weerartay deegaanka, waxayna tuuladaasi kula tagaallameen ciidamo katirsan dowladda Somalia, oo halkaasi fariisamo ku lahaa.

Wararka waxay sheegayaan in Al shabaab ay duqeyn xoogan oo Madaafiic ah ka geysteen deegaanka Muuri, kahor inta aysan la wareegin. Ciidamada dowladda ee laga soo saarey Muuri waxay gaareen Afgooye.

Wali lama oga Khasaaraha Dagaalka, oo ahaa mid aad u qaraar oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka Culus, waxaana wararku ay xusayaan inay dhowr guri gubteen.

Deegaanka Muuri oo ku yaalla wadada isku xirta Afgooye iyo Shabalanbood, ayaa lagu soo waramayaa in guud ahaateed gacanta u gashay Al shabaab kadib markii ciidamada dowladda Somalia ka baxeen.

Al shabaab ayaa u muuqata inay kordhinaysay weerareeda mudooyinkan danbe, xilli dalka Somalia ka socoto Doorashada Baarlamaaniga ah, oo ka dhacayso caasimadaha maamula goboleedyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM