Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay Deegaanka Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia - Malleeshiyaadka Al shabaab ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Goofgaduud, ee gobolka Baay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed. 

Col Cabdullaahi Sheekh Maxamed, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay la wareegista Goofgaduud, oo 30KM dhanka Waqooyi uga began magaalada Baydhabo. 

Korneelka oo la hadlay Warsidaha GO ayaa sheegay in ciidamada ay xeelad Military uga soo baxeen deegaanka, islamarkaana ay hadda kawadaan meel aan ka fogeyn abaabul xooggan oo dib u xureyn ah. 

Dhanka kale, Al shabaaba ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay inay 17 Askari ay ku dileen dagaalka Goofgaduud, sidoo kalena ay qabsadeen hub iyo gaadiid dagaalka oo ciidamada ay ka carareen. 

Deegaanka Goofgaduud, ayaa noqday Billooyinkii ugu damabeeyay goob uu hardan xoogan ku dhexmarayo Al shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed, oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM