Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka  Al shabaab ayaa saka dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Mid kamid ah dadka deegaanka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Al shabaab ay qabsatay deegaankaas, kadib markii ciidanka dowladdu ay isaga baxeen.

Al Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaadey Goofgaduud xalay, kahor inta aysan la wareegin. Khasaarooyin kala duwan ayaa labada dhinac kasoo gaarey dagaalka.

"Dagaalyahano katirsan Al shabaab ayaa si buuxda hadda gacanta ugu dhigay Goofgaduud, waxaana ay calankooda madow ka taageen xaruumaha Booliska iyo maamulka, waxaana ay dadka kula hadleen goob fagaaro ah," Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda Somalia ee laga soo saarey deegaanka Goofgaduud, ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo.

Wali maamulka Koonfur Galbeed kama uusan hadlin la wareegista Goofgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM